DHAGEYSO:Guddoomiyaha Kakamega oo baarlamaanka kula taliyay inuunan meel marin hindise sharciyeedka maaliyadda ee 2023

0
352

Barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee golaha barasaabyada ee dowlad deegaannada wadanka Fernandes Barasa ayaa kula taliyay xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta in aysan meel marin hindise sharciyeedka maaliyadda ee Finance Bill 2023 ee ay soo saartay wasaaradda maaliyadda ee wadanka
Waxaa uu guddoomiyaha Kakamega ka codsaday xubnaha baarlamaanka in ay eegaan culeyska haysta muwaadiniinta iyo duruufaha nololeed ee adag ee dalka ka jira.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dhammaan 47 barasaab ee ismaamullada dalka aysan taagersaneen hindise sharciyeedka maaliyadda ee 2023.
Xildhibaannada ayuu u soo jeediyay inay ka fiirsadaan hindise sharciyeedkan, xilli uu arrintan ka hadlayay guddoomiyaha Kakamega ayuu yiri.

Waxyaabaha ku xusan hindiise sharciyeedkan waxaa ka mid ah in shaqaalaha iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan bil waliba laga jaraya boqolkiiba 3 si loogu biiriyo barnaamijka guriyeynta ee dowladda.