Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa difaacay soo saaridda hindise sharciyeedka maaliyadeed ee sanadkan 2023-ka.
Qorshahan ayay dowladdu uga gol-leeyahay inay ku kordhiso canshuurta dhanka shidaalka iyo mushaaraadka.
Dadka mushaar ahaan u qaata 500,000 oo shilin iyo wixii ka sarreeya ayaa bixin doono canshuur dhan boqolkiiba 35.
Soo jeedinnada wasaaradda maaliyadda waxaa ka mid ah in laga billaabo koowda bisha Toddobaad ee sanadkan, canshuurta la saaro badeecooyinka shidaalka ee hadda ah boqolkiiba 8 in laga dhigo boqolkiiba 16.
Hasa ahaate wasiirka ayaa xusay in qorshahan uu yahay mid ay Kenya kula jaanqaadeysa waddamada kale ee bariga Afrika .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Kenya ay badeecooyin dhowr ah ka qaado canshuur hooseysa marka loo barbardhigo dalalka kale .