Waxaa uu qorshuhu yahay in Axadda soo socoto ee 14-ka bishan ay dalka Turkiga ka qabsoomaan doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweyne.
In ka badan 5.2 milyan oo dhallinyaro ah ayaa markii ugu horreysay ka qayb qaadan doono codeynta.
Waxaa ay da’yartan keliya xusuustaan hoggaanka madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo muddo 20 sano ah soo qabtay xilalka ra’iisul wasaare iyo madaxweyne ee Turkiga.
Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa ra’yi uruurin dhawaan la sameeyay ayaa ku warramaysa in keliya boqolkiiba 20 ee dhallinyarada ay da’dooda u dhexeysa 18 ilaa 25 sano ay sheegeen inay qorsheynayaan inay u codeeyaan madaxweyne Erdogan iyo xisbigiisa AKP .