DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in danyarta fursad loo siiyo lahaanshaha guriyaha

0
253

Hoggaamiyaha dalka William Ruto oo shalay xaafadda South C ee magaalada Nairobi ku daahfuray mashruuc dhanka guriyeynta ah ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ka codsaday inaynan caqabad ku noqon qorshaha maamulkiisa ee dhanka hooyga ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxda ay fursad u haystaan inay qaataan lacago amaah ah oo ay guriyo ku iibsan karaan balse danyarta ay muddo ku qaadato inay lahaadaan guryo tayeysan oo u gaar ah.
William Ruto ayaa cadeeyay in lacagta ah boqolkiiba 3 ee bil waliba laga jaraya mushaarka shaqaalaha iyo xarunta uu ka shaqeeyo aynan ahayn canshuur laga qaadaya.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in lacagtan ay qofka u suurtagelinaysa inuu qiyaastii 10 sano ka dib guri ku iibsado.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda ay kordhisay tiradii guriyaha ee ay horay qorsheysay inay dhisto sanad kasta.