Guddiga matalaya mucaaradka iyo dowladda dhexe oo kulmi doono Isniinta

0
272

Guddi ka kooban 14 xubnood oo kala matalaya isbeheysiga mucaaradka ee Azimio iyo maamulka dalka hoggaamiya ee Kenya Kwanza ayaa kal-fadhiyadiisa dib u billaabi doono Isniinta soo socoto ee 15-ka bishan Shanaad.
Xildhibaanka deegaanka Rarieda sidoo kalena ka mid ah guddoomiyaasha guddigan Otiende Amollo ayaa arrinkan xaqiijiyay.
Waxaa uu sidoo kale meesha ka saaray tixgelinta soo jeedin ahayd in guddigan si rasmi ah loogu soo dhisi karo amar madaxweyne.
Go’aanka ay qaateen ayay ku saleeyeen in sanadkii hore maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay sheegtay in madaxweynaha uunan awood dastuuri ah u lahayn inuu billaabo qorsho lagu beddelaya dastuurka.
Otiende iyo xubnaha kale ayaa carrabka ku adkeeyay in maadaama la yeelanaya wada hadallo siyaasadeed oo horseedi karo in isbeddello dhanka sharciga ah la sameeyo uunan howshan hormuud u noqon karin madaxweynaha dalka.
Kulanka Isniinta ayay siyaasiyiintan uga arrinsan doonaan in wada hadallada loo maraya qaab baarlamaani ah ama nidaam kale oo la ballaariyay.
Arbacadii ayay ahayd markii xubnaha guddigan ay ku heshiiyeen inay muddo 60 cishe gudaheeda ah uga wada hadlaan 12 qodob oo muhiim ah.