Kindiki oo faahfaahiyay mashruuc amni oo shalay lagu daahfuray Mandera

0
277

Kindiki oo faahfaahiyay mashruuc amni oo shalay lagu daahfuray Mandera
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa qaab qoraal ah faahfaahin uga bixiyay mashruuc dhanka amniga ah oo shalay lagu daahfuray ismaamulka Mandera.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waddamada dariska ah ee Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen xoojinta amniga xuduudda ay wadaagaan.
Kindiki ayaa xusay in mashruuca Deris Wanaag uu fududeynaya in shacabka iyo badeecooyinka ay si habsami leh uga gudbaan xuduudaha saddexda dal.
Tani ayuu sheegay inay bariga Afrika u horseedaysa fursado badan oo hanti abuur ah.
Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa isku afgartay la dagaalanka socdaalka sharci darrada ah, daroogada, hubka , argagixisada iyo waxyaabaha kale ee khatarta ku ah amniga.
Mashruuca la daahfuray oo ay gacan ka gaysanaysa dowladda Ingiriiska ayaa saddexda waddan ka caawin doono ka falcelinta caqabadaha amni ee xuduudda.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah heshiis ay Arbacadii wada saxiideen wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki iyo wasiirka amniga ee Ingiriiska Tom Tugendhat.