Dhul go’ saameeyay bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ayaa waxaa ku dhintay 10 ruux.
Tani ayaa timid ka dib roobab culus oo gobolkaasi ka da’ay.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ugu yaraan 400 oo qof ay ku dhinteen daadad ku dhuftay Koonfurta Kivu.
Dhibaatadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo kooxo hubeysan ay bariga Congo dagaallo ka wadaan.




