Wada hadallada dowladda iyo mucaaradka oo maanta billaabanaya

0
294

Waxaa maanta dib u furmaya wada hadallada u dhexeya guddiyada kala matalaya dowladda dhexe iyo garabka mucaaradka dalka ee Azimio .
Xildhibaanka deegaanka Rarieda Otiende Amollo oo hoggaaminaya siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in wada hadallada loo mari karo ilaa saddex qaab.
Siyaabahan ayaa kala ah baarlamaani, in madaxweynaha dalka uu amar madaxweyne ku soo magacaabo guddi iyo qaabka saddexaad oo ah in aan loo baahnayn soo dhisidda guddi haddii ay jirto niyad sami siyaasadeed.
Senatarka ismaamulka Kakamega Boni Khalwale ayaa sheegay in guddiga wada hadalka yeelanaya oo ka kooban 14 xubnood inuu ku heshiiyay 12 qodob oo ugu muhiimsan .
Waxaa uu qorshuhu yahay in wada xaajoodyada ay qaataan ilaa 60 cishe.
Xubnaha matalaya isbeheysiga wadanka hoggaamiya ee Kenya Kwanza ayaa dhankooda sidoo kale doonaya qodob la xiriira farqada 37-aad ee dastuurka dalka si loo xakameeyo habdhaqanka dibadbaxayaasha iyo in la qeexo mas’uuliyadda saaran siyaasiyiinta ama xisbiyada soo qaban qaabiya mudaaharaadyada.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa doonaya in hoos loogu dhigo qiimaha sarreeya ee maciishadda ka hor inta aan la billaabin wada hadallo siyaasadeed oo wax ku ool ah.
Mucaaradka ayaa sidoo kale dalbanaya in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo natiijadii xilka madaxtinnimo ee doorashadii guud ee sanadkii hore.
Dalabaadka Azimio waxaa ka mid ah in dib u habeyn lagu sameeyo oo si buuxda loo soo dhiso guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Kenya Kwanza marka laga soo tago arrimaha IEBC waxay doonayaan xaqiijinta xeerka isku dheellitirka jinsiyadeed ee baarlamaanka, sharciyeynta sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NG-CDF), midka awoodsiinta ee (NGAAF) iyo lacagaha arrimaha kormeerka ee aqalka sare .
Senatarka Kakamega ayaa intaasi ku daray inay sidoo kale doonayaan in laga wada hadlo soo dhisidda xafiiska madaxa mucaaradka , xallinta dhibaatooyinka amni sida burcadnimada iyo kooxaha falal dambiyeedyada ka gaysta magaalooyinka.