Madaxweynaha dalka oo sheegay inay raadinayaan maalgashi caalami oo tayo leh

0
264

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay billowday olole caalami ah oo lagu soo jiidanaya maalgashiyada tayada leh.
Tallaabadan ayuu xusay inay xaqiijin doonto in faa’iido wax ku ool ah laga helo maalgashiga gudaha wadanka iyadoo ay hooseyso khasaaraha hantiyadeed ee ka dhalan karo.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in laga hadlo sida lagu fududeyn karo howlaha ganacsiga ee gudaha Kenya.
Madaxweynaha dalka ayaa arrintan ka sheegay kulan uu maalgashatada Israa’iil kula yeeshay magaalada Tel Aviv.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ku celceliyay in dowladda dhexe ay diiradda saareysa sidii Kenya looga dhigi lahaa waddamada halbowlaha u ah ganacsiga caalamka.
William Ruto ayaa ganacsatada Israa’iil u sheegay in Kenya ay leedahay hannaan sharci oo lagu ilaaliyo xuquuqda hantiyadeed iyo nidaam adag oo dhanka maamulka ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda Kenya ay ansixisay xeerar lagu badbaadinaya maalgashiga iyadoo sarrifka lacagaha khalaad ka dhigtay mid furan.
William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in hannaanka canshuurta ee dalka hadda dib u eegis lagu sameynaya si loo waafajiyo qorshaha horumarinta maalgashiga dalka.
Waxaa uu ganacsatada Israa’iil ugu baaqay inay gudaha wadanka ka sameeyaan maalgashi dhanka guriyeynta ah, tamarta la cusbooneysiin karo, caafimaadka , biyaha iyo waraabka beeraha iyo ICT-da.
Sidoo kale Kenya iyo Israa’iil ayaa wado qorsho ay iskaga kaashanayaan arrimaha dalxiiska, dhaqanka , hiddaha iyo soo saaridda aflaanta.