Mackenzie iyo 17 eedeysanayaal kale oo xabsiga ku jiraya 30 cishe

0
339

Baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie iyo 17 eedeysanayaal kale ayaa xabsiga ku sii jiraya 30 cishe oo dheeraad ah.
Paul Mackenzie, xaaskiisa iyo tuhmanayaasha kale ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamadda Shanzu ee ismaamulka Mombasa.
Sarkaalka baaritaannada qaabilsan Raphael Wanjohi, ayaa maxkamadda u sheegay in kiiska shakhsiyaadkan lala xiriirinaya uu yahay mid weli socdo oo ay waxyaabo dheeraad ah ku soo kordhayaan.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa muddadan ku soo gabagabeyn doono baaritaannada la xiriira meydad gaaraya 133 oo laga soo saaray xabaal wadareedyada lagu arkay keynta Shakahola ee dowlad deegaankaasi.
Waaxda dacwad oogidda oo ay hoggaaminaysay Jami Yamina ayaa doonaysay in maxkamadda ay ciidamada ammaanka siiso 90 cishe oo ay baaritaano qoto dheer ku sameyn karaan.
Hasa ahaate garsooraha sare ee maxkamadda Shanzu Yuusuf Cabdallah Shikanda ayaa saraakiisha amniga u qabtay hal bil oo ay baaritaannada ka dhanka ah baadariga iyo tuhmanayaasha kale ay ku soo gabagabeynayaan.
Eedeysanayaasha ayaa lagu hayn doonaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalla ismaamulka Kilifi inta ay socdaan baaritaannada ku aaddan in Paul Mackenzie iyo xulafadiisa ay in ka badan 130 qof ka dhaadhiciyeen inay cuntada ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.