Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay Ukraine siinaysa 1.2 bilyan oo doolar oo taageero militari ah.
Waxaa caawimaaddan qayb ka ah hannaanka difaaca hawada , hubka ka hor taga weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallo , adeegga sawirrada ee dayax-gacmeedka iyo maalgelinta tababaridda militariga xukuumadda Kyiv.
Waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay in Ruushka uu gantaallo is xig-xigay ku bartilmaameedsaday Ukraine balse in ciidamada militariga ee dalkaasi ay ku guulaysteen inay soo ridaan.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa magaalooyin badan oo ku yaalla Ukraine saameeyay weerarro dhanka cirka ah oo uu gaysanaya Ruushka.
Laga soo billaabo 1-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, Maraykanka ayaa dowladda Ukraine u fidiyay taageero dhanka amniga oo gaaraysa 5 bilyan oo doolar.
Sannad maaliyadeedkii hore waxaa ay xukuumadda Washington, Ukraine gaarsiisay taageero ay ku baxday 6.3 bilyan oo doolar.