Senatar taabacsan maamulka Ruto oo sheegay in wax laga beddeli doonin hindise sharciyeedka maaliyadda ee 2023

0
255

Senetarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa sheegay in hindise sharciyeedka maaliyadda ee Finance Bill 2023 ee ay soo saartay wasaaradda maaliyadda la ansixin doono iyada oo aan la tixgelin doonin soo jeedinta mucaaradka.
Waxaa uu tilmaamay in dowladda ay haysato laba waddo oo keliya, kuwaas oo kala ah inay lacago badan ka soo amaahato dalka dibaddiisa ama in dakhligeeda kor ugu qaado canshuurta.
Waxaa uu dhaleeceyn u jeediyay madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga isaga oo sheegay inuu ku guuldareystay in la joojiyo lacagihii badnaa ee la soo amaahday intii ay heshiiska ahaayeen isaga iyo madaxweeynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.

Hadalka Cherargei ayaa imaanaya maalin un ka dib markii ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga uu sheegay in meel marinta hindise sharciyeedkan ay ciqaab ku tahay dadweynaha sidaasi awgeedna la doonaya inay walaac xooggan ka muujiyaan.
Raila ayaa xusay inay xildhibaannada mucaaradka kula talin doonaan inaynan taageerin qorshahan maaliyadeed.
Waxyaabaha ku xusan hindiise sharciyeedka waxaa ka mid ah in dadka mushaar ahaan u qaata 500, 000 iyo wixii ka badan in laga qaado boqolkiiba 35 oo canshuur ah.
Sidoo kale shaqaalaha iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan ayaa bil waliba laga jaraya boqolkiiba 3 si loogu biiriyo barnaamijka guriyeynta ee dowladda.