Rabshado ka dhasahay dil ay booliiska ugu gaysteen haweeney ismaamulka Kisumu

0
216

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kisumu ayaa sheegaya in booliiska dowlad deegaankaasi ay toogteenn haweeney, taasoo dhalisay mudaaharaadyo rabshado wata.
Haweeneyda la dilay oo ay da’deedu ahayd 20 sano jir ayaa saarneyd mooto, iyadoo ay madaxa ka haleeshay rasaas ay booliiska rideen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaasta ay ciidamada booliiska rideen ay la beegsanayeenn koox rabshado waday oo saarnaa gaari mataatu ah kaas oo jiiray bir waddada u taalay booliiska.
Haweeneyda oo uu dhaawac culus soo gaaray ayaa ku geeriyootay isbitaalka Aga Khan qaybtiisa magaalada Kisumu.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo akle labo qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, xilli xaaladooda haatan lagula tacaalaya isbitaal ku yaalla magaalada Kisumu.
Xiisadda ka dhalatay falkan, ayaa shacab careysan ay xoog ku galeen saldhigga dhexe booliiska ee Kisumu halkaasi oo ay ku burbur u gaysteen ka hor inta aan lagu kala eryin sunta dadka ka ilmaysiisa.
Wakiillka deegaanka hoose ee Jua Kali ee ismaamulka Kisumu ahna goobta dhacdadan laga soo tabiyay Sammy Onyango ayaa dilka ay booliiska gaysteen cambaareeyay, isagoo ku tilmaamay mid aan loo baahnayn.