Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ay xarunta dhexe ee maxkamadda ugu sarreysa wadanka Supreme Court ay maanta ku dhaariso Bishop David Oginde.
Tani ayaa timid ka dib markii baadarigan hore uu ku soo baxay turxaan bixinta la xiriirta jagada guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Oginde ayaa xilkan kala wareegaya Archbishop Eliud Wabukala oo EACC hoggaaminayay 6-dii sano ee ugu dambeysay.
Muddo xileedka Wabukala ayaa ku ekaa 17-kii bishii Koowaad ee sanadkan.
Sida ku qeexan dastuurka dalka , muddo xileedka guddoomiyaha guddiga EACC ayaa ah hal xilli oo ka kooban 6 sano.
Shalay ayay ahayd in xilkiisa loo dhaariyo David Oginde balse dib ayaa loo dhigay.
11-kii bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu magacaabidda Oginde ku wargeliyay baarlamaanka ka dib turxaan bixin uu sameeyay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Ilaa afar qof ayaa daneynayay qabashada xilka guddoomiyaha EACC.
Bishii hore ayay ahayd markii guddiga arrimaha cadaaladda iyo sharciyada ee baarlamaanka uu ansixiyay magacaabidda baadariga horay u soo hoggaamiyay kaniisadda CITAM si uu madax uga noqdo guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka.
David Oginde ayaa sidoo kale soo noqday madaxa jaamacadda (PAC)
Waxaa uu haystaa shahaadada heerka PhD ee hoggaaminta hay’adeed iyo shahaadada Masters ee hoggaanka.
— The Judiciary Kenya (@Kenyajudiciary) May 9, 2023