Ruushka oo 4 qof ku dilay Ukraine

0
326

Weerarro dhanka cirka ah ee ay dowladda Ruushka ka gaysatay gudaha Ukraine ayaa waxaa ku dhintay afar ruux.
Weerarrada oo xalay loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu bartilmaameedsaday 127 goobood oo ku kala yaalla Waqooyiga, Koonfurta iyo Bariga dalka Ukraine.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Ukraine ayaa bayaan ku shaacisay khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeymaha.
Dhanka kale saraakiisha ilaalada hawada ee Ukraine ayaa sheegay inay caasimadda Ukraine ee Kyiv ku soo rideen 35 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee drones-ka sida laga soo xigtay madaxa maamulka militariga ee magaalada Kyiv Serhiy Popko.
Waxaa uu intaasi ku daray in shan qof ay ku dhaawacmeen burburka diyaaradaha la soo riday.