Maxkamadda ayaa amartay in xannibaad la saaro 15 akoonno bangiyadeed oo uu leeyahay baadariga hoggaamiya kaniisadda New Life Prayer Centre and Church ee ismaamulka Kilifi Ezekiel Odero.
Xannibaadda ayaa shaqeyn doonto muddo bil ah.
Tani ayaa timid ka dib codsi ay gudbisay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo sidoo kale doonaysa in dabagal lagu sameeyo ilaa toddobo nambar oo uu baadariga ku isticmaalo adeegga lacagaha la isugu diro ee Mpesa.
Waaxdan ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in Ezekiel lagu eedeynaya khiyaano dhanka lacagaha ah maadaama uu xiriir la leeyahay dhigiisa kaniisadda Good News International Paul Mackenzie oo loo haysto inuu ugu yaraan 112 qof kula taliyay inay cuntada ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.
Saraakiisha dambi baarista ayaa maxkamadda u sheegay in akoonnada bangiyadeed ee Ezekiel lagu soo xawilayay lacago badan oo la rumeysan yahay in laga macaashay shakhsiyaad uu baadariga ka dhaadhiciyay inay hantidooda iibiyaan.
Ciidamada dambi baarista ayaa maxkamadda waydiistay inay siiso fasax ay ku eegi karaan akoonnada uu baadariga ku leeyahay bangiyada Equity Bank, Co-op Bank, KCB iyo HFC Bank.
Maamulayaasha bangiyadan ayaa dhanka kale laga doonaya inay warbixinno ku wareejiyaan saraakiisha baaritaannada sameynaya sidoo kalena inay amraan in aan lacag lagala bixin akoonnada baadariga.
Sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Martin Munene oo la shaqeeya waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in lacagaha ku jiro akoonnada la wareejiyo haddii aynan maxkamaddu soo saarin amar lagu xannibaya.
Muddada 30-ka cishe ah ee ay codsadeen ayay doonayaan inay baaritaannada ku soo gabagabeeyaan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Ezekiel Odero uu tagay maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Mombasa isagoo doonaya in dowladda laga hor istaago inay xannibto hantidiisa.




