DHAGEYSO:Qoysaska ku barakacay daadadka Kisumu, Homa Bay iyo Siaya oo aan haysan goobo rasmi ay ku hooydaan

0
246

Iyadoo dugsiyada dalka maanta dib loo furay ayaa boqolaal ka mid ah shacabka ku nool deegaano ka tirsan ismaamullada Kisumu, Siaya iyo Homa Bay ay hooyi ka dhigteen iskuullada dowlad deegaanadaasi ku yaalla ka dib markii ay guryahooda ka barakaceen.
Tani ayaa timid ka dib roobab xooggan oo ismaamulladaasi ka da’ay oo ay daadad ka dhasheen.
Qoysaska guryahooda ka barakacay ayaa daneeyayaasha iyo dadka samaha jecel ka codsadeen in ay siiyaan teendhooyin, raashin iyo gooba ay ku hooydaan.

Baaqyadan ayaa imaanaya iyadoo dowladda ay shaaca ka qaadday inay ku jirto heerarkii ugu sarreeyay ee lagu joojin lahaa fatahaadda sannad walba saameysa agagaarka webiga Nyando iyo harada Victoria ee gobolka Nyanza.
Dabayaaqadii bishii hore ayay ahayd markii uu karkaarrada jabsaday webiga Nyando.