Ku dhawaad 400 oo qof oo ku dhintay daadadka DRC

0
277

Ku dhawaad 400 oo ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka DRC ka dib fatahaado iyo dhul go’a ka dhashay roobab culus oo da’ay.
Ugu yaraan 394 meydad ah ayaa la arkay sida uu sheegay maamulaha gobolka Kalehe Thomas Bakenga ee ay hoos tagaan tuulooyinka laga soo tabiyay saameynta ugu badan ee daadadka.
Tirada dhimashada ayaa shalay ahayd ugu yaraan 203 ka hor inta aynan sii kordhin.
Gobolka Kalehe ayaa dhanka koonfureed uga beegan Kivu.