DHAGEYSO:Baarlamaanka oo loogu baaqay inuunan ansixin hindisaha maaliyadeed ee sanadkan

0
251

Ururrada ay ku mideysan yihiin shaqaalaha dalka ayaa xildhibaannada baarlamaanka ugu baaqay inay dhinac iskaga dhigaan oo aynan ansixin hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadka 2023-ka.
Xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha jaamacadaha dalka Charles Mukhwaya oo warbaahinta u akhriyey bayaanka guud ee shaqaalaha ayaa sheegay inay guda gali doonaan shaqo joojin haddii baarlamaanka uunan tixgelin dalabaadkooda.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inaynan suurtagal ahayn in shaqaalaha laga jaro qayb ka mid ah mushaarkooda si canshuurta la uruuriyo ay u kororto.
Sidoo kale waxay dowladda ugu baaqeen inay dadargeliso wada hadallada dhanka mushaaraadka si howlwadeennada loogu sameeyo mushaar kordhin.
Dhanka kale Elijah Nyakoye oo ka mid ah shacabka ku nool Nairobi ayaa dowladda ka codsaday inay ka laabato qorshaha ay laga billaabo bisha toddobaad qof kasta oo shaqeeya iyo shirkadda uu u shaqeeya ay uga jaraysa boqolkiiba 3 ee mushaarka billaha ah si dhaqaalahan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta ee Housing Fund.