Musalia Mudavadi oo baaq ka soo saaray colaadda DRC

0
284

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa madaxda waddamada ka tirsan jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ugu baaqay inay muujiyaan rabitaan siyaasadeed oo lagu xallinaya dagaallada ka taagan jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxaa uu dhanka kale waddamada xubnaha ka ah hannaanka iskaashiga nabad sugidda ee (PSC) ku bogaadiyey dadaallada ay wadaan ee lagu xasilinaya DRC, Suudaan iyo dalalka kale.
Mudavadi ayaa arrintan ka hadlay xilli uu caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura uu uga qayb galay kal-fadhiga 11-aad ee kulanka sare ee arrimaha nabadda.
Waxaa uu Mudavadi kulankaasi ku matalayay madaxweynaha dalka William Ruto.