Dowladda Jarmalka ayaa ballan qaaday inay taageero dhaqaale iyo mid farsamo siin doonto wadanka gaar ahaan tamarta dib loo isticmaali karo.
Tani ayaa lagu xoojinaya qorshaha ay Kenya tamarta noocani ah sare ugu qaadaysa boqolkiiba boqol ka hor sanadka 2030.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa Jarmalka Olaf Scholz oo Kenya ku ammaanay inay muujisay hoggaan wanaagsan iyo maalgashi muuqda oo dhanka tamarta ah.




