Laamaha ammaanka oo baaraya dilka haweeney ka shaqeynaysay maxkamadda Migori

0
276

Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in ciidamada booliiska ay wadaan baaritaano ku aaddan dhacdo lagu toogtay kaaliye sare oo ka howlgalaysay maxkamadda ismaamulka Migori.
Jimcihii ayay ahayd markii Ms Phoebe Auma Suda iyo wadaha mooto ay saarnayd la toogtay xilli ay ku wajahnayd goobteeda shaqo.
Dilka ayaa ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Kisii iyo Migori.
Auma ayaa laga toogtay dhanka madaxa iyo qoorta halka wadaha mootada ay rasaasta uga dhacday madaxa.
Martha Koome ayaa hoosta ka xarriiqday in dilkaasi uu gaystay nin hubeysan oo mooto adeegsanayay.
Waxay intaasi ku dartay inay faahfaahino dheeraad ah ka bixin doonaan dhacdadaasi ka dib markii ciidamada booliiska ay gabagabeeyaan baaritaannada.
Madaxa cadaaladda ee dalka ayaa dhanka kale tacsi u dirtay qoyska ay ka geeriyootay Auma.