Dhimashada ka dhalatay fatahaadaha iyo dhul go’a saameeyay bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC oo ay roobab culus ka da’een ayaa gaartay 203 oo ruux.
Tani ayaa timid ka dib markii meydad dheeraad ah la helay.
Tirada dhimashada ee uu Jimcihii shaaciyay guddoomiyaha gobolkaasi ayaa ahayd ugu yaraan 176 qof.
Thomas Bakenga oo ah maamulaha aagga loo yaqaano Kalehe oo ay hoos tagaan tuulooyinka ay daadadku sida wayn u saameeyeen ayaa xusay inaynan suurtagal ahayn in la qiimeeyo baaxadda rasmiga ee burburka.
Waxay tani ku soo beegmaysa iyadoo in ka badan 131 qof ay ku dhinteen daadad saameeyay dalka DRC dariska la ah ee Rwanda.




