DHAGEYSO:Barasaabka Kilifi oo taageeray hadal uu jeediyay Raila

0
275

Guddoomiyaha ismaamulka Kilifi Gideon Mungaro ayaa ku baaqay in la joojiyo geeddisocodka guddiga uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay inuu baaritaano qoto dheer ku sameeyo in ka badan 111 meydad ah oo dhawaan laga helay xabaal wadareedyada keynta Shakahola ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu barasaabka hoosta ka xarriiqay in la doonayo in laga war sugo saraakiisha ku howlan soo saaridda meydadka ee la hakiyey.
Sidoo kale waxaa uu laamaha ammaanka kula taliyey inay tallaabo sharciyeed ka qaadaan baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie oo lala xiriirinaya dhibaatada dhacday balse aan la bartilmaameedsan madaxda kale ee kaniisadaha.