Wasiiradda wasaaradda deegaanka, keymaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada ee dalka Soipan Tuya ayaa saraakiisha waaxda adeegga keymaha ee KFS ku amartay inay guda galaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah xaalufinta dhirta.
Waxay hoosta ka xarriiqday in la doonayo ka hor tagga falalka ay dadka hooy ka dhigtaan keymaha iyo dhuxusha laga ganacsado.
Wasiiradda ayaa hoosta ka xarriiqday in arrimahan ay sabab u noqdeen dhacdooyin la soo tabiyay dhawaan oo la xiriiray dab saameeyay keymaha.
Qorshaha Kenya ayaa ah in 10 sano gudahooda la beero 15 bilyan oo geedo ah si loo ballaariyo baaxadda keymaha wadanka.
At a press briefing held at Karura Forest today, Cabinet Secretary Hon Soipan Tuya outlined the Ministry's key reforms in the management of forests, and directed Kenya Forest Service to mount an intensive, full scale operation to rid public forests of illegal activities. pic.twitter.com/oupUmMlVxk
— Ministry of Environment, Climate Change & Forestry (@Environment_Ke) May 5, 2023




