Kenya oo sheegtay inay sanadka 2027-ka cirib tiri doonto nafaqo darrada

0
206

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay in sanadka 2027-ka gudaha dalka laga cirib tiro dhammaan siyaabaha nafaqo darrada.
Waxaa sidatan sheegtay wasiiradda wasaaradda caafimaadka dalka Susan Nakhumicha xilli ay ka hadlaysay kulan ku saabsan mashruuca wanaajinta nafaqada ee maalgelinta iyo aqoonta caafimaad ee (NICHE) .
Wasiirradda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la adeegsado qaab loo dhan yahay oo wax looga qabanaya nafaqo darrada iyadoo hoosta ka xarriiqday muhiimadda rabitaan siyaasadeed iyo in arrintan la siiyo mudnaan.