In ka badan 127 qof oo ku dhintay daadad saameeyay Rwanda 

0
336

Ugu yaraan  127 ruux  ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen ka dib markii daadad ka dhashay roobab culus oo da’ay ay saameeyeen  dalka Rwanda.
Waxaa sidoo kale wadankaasi laga soo tabiyay dhul go’o.
Musiibadan ayaa lagu sheegay midii ugu dhimashada badnayd ee sanado soo marta taariikhda Rwanda.
Dhimashada badankeeda ayaa laga diiwaangeliyay  gobolka  galbeed ee Rwanda  oo xiga xadka  harada Kivu ee Congo.