Wasiirka arrimaha gudaha oo amray hawlgal ka dhan ah Burcada ismaamulka Marsabit

0
224

Wasiirka arrimaha gudaha iyo hawlaha qaran ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay maanta in dawladu ay baarayso tiro hogaamiyeyaal siyaasadeed iyo kuwo diineed oo la rumaysan yahay in ay hurinayaan isku dhacyada qowmiyadeed ee ka socda dowlad deegaanka Marsabit iyaga oo danahooda gaarka ah eeganaya.
Hadalkaan ayuu sheegay xili uu maanta la kulmay hogaamiyaasha amniga ee dowlad deegaanka Marsabit .
Waxaaaa uuna xusey inay aad u soo badanayaan isku dhacyada qowmiyadeed ee ismamaulka Marsabit.
Prof Kindika ayaa isku dhacyada qowmiyadeed Marsaabit u sabababeeyay inay salka ku hayaan dhul daaqsimeed.
Waxaa uuna ka dhawaajiyay in hogaamiye kasta oo lagu helo inuu kicinayo ama hurinayo dagaalada ku soo noqboqda ismaamulka Marsabit laga qaadi doono talaabo adag oo sharciga ah.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaranka Kindiki Kithure ayaa amar ku bixiyay howlgal degdeg ah oo lagu soo saarayo dambiilayaasha hubeysan iyo burcada xoolaha dhaca kuwaas oo ku dhuumaalaysaya keynta Marsabit.
Tani waxay daba socotaa afar qof oo Talaadadii ay kooxo hubaysani ku dileen weerar gaadmo ah.
Wuxuu sidoo kale faray kooxda amniga inay hubka ka dhigaan dhammaan dadka heysta hubka sharci darrada ah .