Ciidamada Ukraine oo burburiyay 18 diyaaradood oo aan duuliye lahayn

0
250

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada ilaalinta hawada dalka Ukraine ay burburiyeen 18 ka mid ah 24 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo saaka loo adeegsaday weerarro halkaasi ka dhacay.
Diyaaradaha ay soo rideen ayaa loo yaqaana kamikaze.
Maamulka magaalada Kyiv ayaa sheegay in la burburiyey dhammaan gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo markii saddexaad afar cishe gudahooda lagu soo bartilmaameedsaday caasimadda Ukraine.
Waxaa weerarkan gaysatay dowladda Ruushka oo in ka badan hal sano gudah Ukraine ka wado duullaan militari.
Taliska Koonfurta Ukraine ayaa sheegay inuunan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay falka dhacay waabarigii maanta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka qaraxyo laga maqlay magaalada Koonfureed ee Zaporizhzhia iyo magaala xeebeedda Odesa.
Sidoo kale waxaa dhawaqa digniinnada dhanka hawada laga maqlay gobollada bari iyo koonfureed ee Ukraine sida Dnipropetrovsk, Mykolaiv iyo Kherson.