Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa ku sugan wadanka Tunisia.
Koome oo sidoo kale ah madaxa golaha guud ee iskaashiga booliiska Midowga Afrika ee (AFRIPOL-AU) ayaa Tunisia joogaya labo cishe.
Waxaa uu gudoominaya shirka guddiga iskudubaridka AFRIPOL-AU ee ah midkii 11-aad.
Kulankii kani ka horreeyay ayaa sanadkii 2022-kii lagu qabtay magaalada Nairobi.