IMF oo bogaadisay dib u soo kabashada dhaqaale ee Kenya

0
270

Sanduuqa caalamiga ee lacagaha ee (IMF) ayaa bogaadiyey dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.
Agaasimaha guud ee IMF Kristalina Georgieva ayaa sheegtay inay ku kalsoon yihiin barnaamijka dib loogu soo nooleynaya dhaqaalaha wadanka dib saameyntii cudurka COVID-19.
Waxay soo dhaweysay qorshaha dowladda ee mudnaanta koowaad lagu siinaya maalgashiga dhanka wax soo saarka beeraha iyo taageeridda ganacsiyada dhexe iyo kuwa yaryar ee (MSESs) .
Ms Georgieva ayaa xustay in nidaamkan uu Kenya u jiheynaya waddada guusha.
Waxay intaasi ku dartay in IMF ay diyaar u tahay taageeridda dadaalka ay dowladda dhexe ku dardargelinaysa dib u soo kabashada dhaqaalaha.
Arrintan ayay madaxa IMF ka hadashay xilli ay madaxweynaha dalka William Ruto kulan kula qaadatay xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi.
Ms Georgieva made the remarks during a meeting with President William Ruto at State House Nairobi.