Dowladda dhexe ayaa soo bandhigtay nidaam cusub oo ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah looga caawinaya bixinta qarashaadka jaamacadaha.
Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa sheegay in laga billaabo sanadkan aynan ardaydan bixin doonin lacago.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ardayda saboolka ah ee ku biiraya jaamacadaha dalka ay heli doonaan deeq lacageed oo ah boqolkiiba 53 iyo amaah dowladeed oo dhan boqolkiiba 40.
William Ruto ayaa xusay in qoysaska ay ardaydan ka soo jeedaan ay bixin doonaan keliya boqolkiiba 7 ee qarashaadka tacliinta jaamacadeed.
Sidoo kale ardayda ku biiraya machadyada farsamada ee TVETs ayaa iyagana helaya deeq waxbarasho oo ay dowladda bixinaysa oo ah boqolkiiba 50 iyo amaah dhan boqolkiiba 30 halka qoysaskooda ay bixin doonaan boqolkiiba 20 ee qarashaadka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay sanadkan jaamacadaha ku biirayaan 173,127 oo arday ah iyo machadyada farsamada oo loogu talagalay 145,325 oo arday ah.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in sanad maaliyadeedkan 2023/2024 miisaaniyadda la siiyo jaamacadaha oo ah 54 bilyan oo shilin in laga dhigi doono 84 bilyan .
Xarumaha lagu barto farsamada oo horay ay dowladda dhexe sanadkiiba siin jirtay 5.2 bilyan ayaa heli doono 10 bilyan oo shilin.
Madaxweynaha ayaa wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ku amray inuu si degdeg ah u guda galo ka dhabeynta qorshahan.




