
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay qiraysa sidoo kalena ka mahadcelinaysa kaalinta wanaagsan ee ay qaramada midoobay ka qaadato arrimaha nabadgalyada gaar ahaan gobolka geeska Afrika.
Arrintan ayuu Ruto shaaca ka qaaday ka dib markii uu xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi uu kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres oo dalka ku joogo booqasho rasmi ah.
Waxaa uu hoggaamiyaha wadanka hoosta ka xarriiqay inay mar kale xaqiijinayaan sida ay diyaar ugu yihiin marti gelinta wada hadallo nabadeed oo u dhexeya dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan si loo helo xasilooni waarta.
Ruto ayaa sheegay in Guterres oo uu sidoo kale u sameeyay casho sharafeed ay ka wada hadleen horumarka laga gaaray geeddisocodka nabadeed ee dalka DRC ee ay wado jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Mas’uuliyiintan ayaa bogaadiyey iskaashiyada dhinacyada badan ah ee lagu soo afjaraya colaadda saameysay bariga Congo.



