Waxaa maanta caalamka laga xusaya maalinta xuriyadda saxaafadda oo sanad kasta loo dabaal dego 3-da bisha Shanaad ee May.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres uu walaac ka muujiyey weerarrada lagu hayo wariyaasha ka howlgalo daafaha dunida.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in suxufiyiinta si joogto ah loo dhibaateeyo , la xiro halka qaar ka mid ahna la dilay.
Guterres ayaa ku baaqay ilaalinta madax bannaanida warbaahinta iyo wariyaasha.
Waxaa uu sheegay in tani ay aasaas u tahay dimuqraadiyadda iyo cadaaladda sidoo kale udub dhaxaadka xuquuqul insaanka.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada New York ee Maraykanka ka sheegay in gees kasta oo caalamka ka mid ah lagu weeraraya madax bannaanida saxaafadda.
Dhanka kale hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO ayaa billadeeda xuriyadda saxaafadda ee sanadkan 2023-ka siisay saddex haween oo ka soo jeedo dalka Iiraan oo isugu jiro laba wariyaal iyo mid u ololeeysa xuquuqul aadanaha.
Hay’adda wakiil wareedyada aan xuduudda lahayn ee Reporters Without Borders ayaa sheegtay in sanadkii hore la dilay 55 wariyaal iyo afar qof oo kale oo warbaahin ka shaqeynayay xilli ay ku guda jireen waajibaadkooda shaqo.




