Ciidamada Israa’iil iyo kooxaha Falastiin oo ku heshiiyey xabbad joojin

0
207

Ciidamada Israa’iil iyo kooxaha hubeysan ee dalka Falastiin ayaa ku heshiiyay xabbad joojin ka dhaqan galaysa marinka Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii Israa’iil ay duqeymo dhanka cirka ay xilli habeennimo ah ku garaacday dhinaca xeebeed iyadoo gantaallo lagu soo tuuray dhanka Israa’iil.
Tallaabadan ayaa looga falcelinayay in aroornimadii hore ee shalay uu xabsi ku yaalla Israa’iil ku dhex geeriyooday maxbuus u dhashay Falastiin oo lagu magacaabo Khader Adnaan ka dib markii uu ku dhawaad Saddex bilood cuntada ka af xirtay.
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Islamic Jihad, Tareq Selmi ayaa sheegay in dagaallada la joojiyey waabarigii maanta oo Arbaco ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in ururka Xamaas uu wada hadallo la yeeshay mas’uuliyiinta dalalka Masar, Qatar iyo qaramada midoobay si loo soo afjaro xadgudubyada maamulka Israa’iil ee marinka Qaza.