Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa sheegay in dibadbaxii ay shalay sameeyeen ay sii wadi doonaan maalinka Khamiista ah ee toddobaadkan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday Martha Karua oo ah madaxa xisbiga Narc Kenya sidoo kalena ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee mucaaradka.
Karua ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqday in ciidamada ammaanka ay shalay dibadbaxayaasha u adeegsadeen awoodo xad –dhaaf ah .
Waxay intaasi ku dartay in siyaasiyiinta mucaaradka aynan u suurtagelin inay xafiisyada dowladda u gudbiyaan cabashooyin dhowr ah balse au gudbin doonaan Khamiista.
Sidoo kale dhacdooyin baabuur lagu gubay ayay xubnaha mucaaradka ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen dhallinyaro ay ku andacoonayaan inay dowladda dhexe soo abaabushay gaar ahaan ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua.




