Dowladaha Kenya iyo Canada ayaa ka wada shaqeynaya nidaam dhanka socdaalka ah oo muwaadiniinta wadanka u fududeyn karo inay shaqooyin ka helaan gudaha Canada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii tababarrada ardayda baranaya culuunta caafimaadka ee machadyada KMTC iyo xarumaha kale ee farsamo loo waafajin lahaa manhajka waxbarasho ee Canada.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayaa ah in kenyaan badan ay fursado shaqo ka helaan wadankaasi.
William Ruto ayaa sheegay in kheyraadka ugu wayn ee uu dalku leeyahay ay yihiin muwaadiniinta tababaran ee dadaalka badan diyaarna u ah in la howlgeliyo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in iyadoo maalgelin lagu sameynaya waaxyaha shaqo u abuuridda da’yarta haddana in kenyaanka fursado shaqo looga raadiyo dibadda ay tahay mid isbeddel ballaaran ku sameyn karta nolosha dhallinyarada.




