Madaxweynaha dalka oo la kulmay madaxa sanduuqa horumarinta beeraha ee IFAD

0
369

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay mas’uulka ugu sarreeya ee sanduuqa caalamiga ee horumarinta beeraha ee IFAD, Alvaro Lario.
Hay’addan oo hoos tagto qaramada midoobay ayaa ka shaqeysa caawinta beeralayda dalka iyo si guud dunida.
Ruto ayaa sheegay in wax soo saarka beeraha uu udub dhaxaad u yahay horumarinta dhaqaalaha dalka iyadoo laga soo billaabaya meel hoose.
Waxaa uu intaasi ku daray in beeraha ay faa’iidooyin badan u leeyihiin kobaca dhaqaale ee wadanka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay maalgelin ku sameynayaan waaxyaha suufka , caanaha , haragga , shaaha, bariiska iyo kheyraadka badda.
Waxaa uu xusay in barnaamijyadan lagu hirgelin doono maalgelinta dowladda , lacagaha waaxyaha gaarka ah iyo saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka.