Xoghayaha guud ee COTU oo shaqaalaha ugu baaqay inaynan ka qayb gelin dibadbaxyada mucaaradka

0
284

Xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU ,Francis Atwoli ayaa dhammaan howlwadeennada dalka ugu baaqay inaynan ka qayb gelin dibadbaxyada isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya.
Xilli uu maanta hadal ka jeediyay xuska maalinta shaqaalaha ee Labour Day ayuu Atwoli hoosta ka xarriiqay in mudaaharaadyada ay mucaaradka qorsheeyeen inay qabsoomaan berri ay saameyn ku yeelanayaan daryeelka shaqaalaha wadanka.
Xoghayaha guud ee COTU ayaa qof waliba oo shaqaale ah u sheegay in haddii uunan iska xaadirin goobtiisa oo uu dibadbaxa ka qayb galo inuu shaqadiisa lumin karo.
Waxaa uu dhanka kale hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga ugu baaqay inuu qiro in laga guulaystay oo uu si nabad ah ula shaqeeyo dowladda talada haysa.
Francis Atwoli ayaa xusay in bannaan bax la sameeyo aynan waxba beddeli karin maadaama ay jiraan waxyaabo aan ka soo laabasho lahayn.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ka codsaday inuu la xiriiro xubnaha mucaaradka si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed ee sii kordhaysa.
Atwoli ayaa ku celceliyay in dibadbaxyada oo sii socdo ay carqaladeynayaan kobaca dhaqaale ee wadanka.