Dowladda oo billowday baaritaannada meydadkii laga helay Shakahola

0
277

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki oo dib ugu laabtay ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta ayaa maanta goobjoog u ahaa baaritaanno lagu billaabay meydad gaaraya 109 oo dhawaan laga soo saaray xabaal wadareedyada keynta Shakahola oo u dhow deegaanka Malindi.
Ilaa iyo hadda waxaa la baaray meydadka labo qof wuxuuna sarkaalka dowladda u qaabilsan dhanka baaritaannada Dr. Johansen Oduor sheegay in dadkaasi ay u geeriyoodeen inaynan waxba cunin.
Kindiki ayaa sheegay in baaritaannada ka socdo qaybta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Malindi looga gol-leeyahay in la ogaado sababta ay dadkaasi u geeriyoodeen.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in arrintan loo maareeyo si daahfuran isagoo carrabka ku adkeeyay in la iskula xisaabtami doono qaladaadka dhacay.
Sidoo kale waxaa uu wasiirka arrimaha gudaha ee dalka shaaciyey in xarunta dabagalka ee halkaasi laga furay laga diiwaangeliyay warbixinnada 461 qof oo weli la la’yahay.
Waxaa uu dadweynaha ka codsaday inay macluumaadka dhacdooyinkan la xiriira ay ku soo gudbiyaan nambarka ah 0112 966 857.