DHAGEYSO: Raila oo sheegay in Talaadada ay dhici doonaan dibadbaxyada ay booliiska mamnuuceen

0
310

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in sidii ay u qorsheeyen ay u qabsoomi doonaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda dhexe.
Raila Odinga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in farqada 37-aad ee dastuurka wadanka uu qeexaya in qof waliba uu xaq u leeyahay in isagoo aanan hubeysnayan uu dibadbax sameeyo oo uu cabashadiisa u gudbiyo hay’adaha dowladda taasina aan la hakin.
Raila ayaa sheegay inay 2-da bisha Shanaad ee May oo ku beegan Talaadada ay dibadbax dhigi doonaan xita iyagoo loo digay.
Bayaanka Raila waxaa ku cad in Talaadada ay cabashadooda u gudbin doonaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC maadaama ay aaminsan yihiin in natiijadii madaxtinnimo isbeddel lagu sameeyay sidaas awgeedna ay dalbanayaan in la furo oo baaritaano dabagal ah lagu sameeyo keydka doorashooyinka.
Cabashada ay gudbin doonaan hoggaamiyaasha mucaaradka waxaa ka mid ah tallaabadii shaqooyinka looga joojiyay afar ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee IEBC oo 15-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ka soo horjeestay natiijadii uu shaaciyay Wafula Chebukati.
Sidoo kale Azimio ayaa qorsheynaysa inay Talaadada soo socoto ay xafiiska madaxweynaha dalka u gudbiyaan cabasho ku aaddan in qiimaha cuntooyinka, shidaalka , korontada iyo qarashaadka tacliinta ee ardayda laga qaado ay marayaan heer aad u sarreysa oo aan la aqbali karin.
Mucaaradka ayaa bayaankiisa ku xusay inay sidoo kale xafiiska madaxweynaha u bandhigi doonaan in aan la burburin xisbiyada mucaaradka.
Raila Odinga ayaa sheegay inay Talaadada tagi doonaan xarunta dhexe wasaaradda maaliyadda si ay u dalbadaan in si degdeg ah ismaamullada loogu wareejiyo miisaaniyadda aan weli la siin sidoo kalena in dhammaan shaqaalaha dowladda ay xilliga habboon helaan mushaaraadkooda.
Qodobka 6-aad ee bayaanka uu soo saaray Raila Odinga ayaa ku saabsan inay qorsheynayaan inay sidoo kale maalinkaasi tagaan xarunta dhexe ee guddiga adeegga dadweynaha ee PSC iyagoo dalbanaya in shaqaaleysiinta la xiriirta xafiisyada dowladda loo maro yaa u qalma jagada iyadoo cid waliba ay ka dhex muuqato oo aan qabiil gaar ah lagu koobin.
Mucaaradka ayaa xusay in aynan marnaba oggolaan doonin in la aamusiiyo iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo khaldan.
Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto xusuusiyay in awoodihiisa ay yihiin kuwo ku xusan dastuurka dalka oo uunan marnaba baal mari karin.
Bayaanka mucaaradka waxaa lagu soo gabagabeeyay in haddii maamulka talada haya uu door bido cabsi gelin iyo hor istaagga dibadbaxyada in madaxda Azimio ay diyaar u yihiin xaalad kasta oo la soo darista.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei uu  sheegay in mudaaharaadyada mucaaradka ay yihiin kuwo sharci darro ah sidaas awgeedna aan lagu qaban karin gudaha caasimadda dalka.
Bungei ayaa carrabka ku adkeeyay in dibadbaxyadii horay u dhacay ay ahaayeen kuwo rabshadeysan oo aan la aqbali karin inay sii socdaan.
Taliyaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in cid waliba oo dibadbax qabanaysa laga doonaya inay u hoggaansanto xeerarka dastuuriga ah sida in aan la waxyeelleyn shacabka iyo hantidooda .
Adamson Bungei waxaa uu sheegay in ciidamada amniga ay kala eryi doonaan dadka ka qayb galaya dibadbaxyada.
Dhanka kale Kalonzo Musyoka iyo Martha Karua oo ka mid ah madaxda sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya oo maanta shacabka kula hadlay xaafadda Imara Daima ee Embakasi, ismaamulka Nairobi ayaa sheegay in aanan marnaba la cabsi gelin karin oo sarkaalkii ka tirsan booliiska ee dibadbaxayaasha ku xadgudba ay la tiigsan doonaan maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da oo ay horay warqad ugu qoreen.