Wasiirka arrimaha gudaha oo markale maanta dib ugu laabanaya kaynta Shakahola

0
301

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kithure Kindiki ayaa la filayaa inuu ku laabto ismaamulka Kilifi Isniinta maanta ah si uu u kormeero bilaabashada baaritaanada meydadka laga soo saaray keynta Shakahola.
Meydadka, oo hadda tirada la diiwaan geliyey ah 110 ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin dhibanayaasha dadkii taabcsanaa baadiriga Paul Mackenzie Nthenge, oo ah aasaasaha Kaniisadda Good News International, kaasoo lagu eedeeyay inuu kula taliyay dadkii ku xirnaa kaniisadiisa inay cuntada iyo biyaha ka af xirtaan oo ay dhintaan si ay ula kulmaan nabi Ciise.
Meydadka ayaa waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan qalliin waxaana hoggaamin doona madaxa qaliimada ee dawladda Dr. Johansen Oduor kaas oo ka dhici goobta meydadka ee Malindi.
Beerta Chakama oo ay ku taallo Kaymaha Shakahola ayaa tan iyo markii laga diwaan geliyay dhacdooyinkan waxaa lagu soo rogay bandow 30-maalmood ah laga bilaabo maqribkii ilaa aroortii.
Booliska ayaa sidoo kale tan iyo markaas xiray afar iyo toban xubnood oo ka tirsan urur diimeedkan.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa tan iyo markaas dhalisay falcelin ka timid xubno ka tirsan dadweynaha, hoggaamiyeyaasha diinta, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyadoo madaxweyne William Ruto uu ku dhawaaqay in uu magacaabi doono guddi caddaaladda oo baaritaan ku sameeya waxa uu ugu yeeray xasuuqii Shakahola.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in guddiga laga sugayo in ay kiiska bilaabaan oo ay la xisaabtamaan cid kasta oo lagu helo dambi.
Dhanka kale Qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa wacad ku maray in ay aqalka hor geyn doonaan hindise sharciyeed lagu xakameynayo howlaha kaniisadaha ee dalka.
Iyadoo loo marayo kutlada xildhibaanada Katooliga, sharci-dajiyayaashu waxay sheegeen in la gaaray waqtigii kaniisadda la nidaamin lahaa si loo xaqiijiyo in la helo nidaam iyo maamul wanaag.