Wasaaradda shaqaalaha oo heshiis la gashay 7 waddan

0
216

Wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka ayaa heshiisyo la saxiixatay ilaa toddobo dowladood.
Waxay tani gacan ka gaysan doontaa in kenyaanka shaqo la’aanta ah ay fursado shaqo ka helaan dalka dibadiisa.
Wasiiradda wasaaradda shaqaalaha ee dalka Florence Bore ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay sheegtay in qorshahan ay ka faa’iidaysan doonaan kumanaan qof oo kenyaan ah maadaama ay dowladdu ku dadaalaysa yareynta heerka shaqa la’aanta ee dalka.
Wasiiradda ayaa hoosta ka xarriiqday in Kenya iyo Sacuudi Carabiya ay isku afgarteen in kenyaanka ay halkaasi ka helaan 130, 000 oo fursado shaqo ah.
Florence Bore ayaa intaasi ku dartay in keliya aan la isku koobi doonin waddamada carbeed balse ay marxalado sare marayaan wada hadallo dowladda Kenya kala dhexeya dalalka Canada, Kuuriyada Koonfureed iyo Jarmalka .
Wasiiradda waxay tilmaantay in dowladda Jarmalka ay xaqiijisay inay hayso ilaa 7 milyan oo shaqooyin bannaan ah.
Sidoo kale dowladda ayaa ku howlan soo saaridda xeerka qaran ee shaqaaleysiinta iyo hindisaha maamulka qaran ee shaqaalaha.
Wasiiradda oo ka hadlaysay dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka shaqooyinka u raadsada dalka dibadiisa ayaa xustay in sanadkii hore ay geeriyoodeen ilaa 177 qof oo kenyaan ah halka 4, 398 kalena ay dhaawacmeen iyagoo shaqooyin ku guda jiro.