DHAGEYSO: Boqolaal qof oo ku xayiran Kisumu ka dib daadad saameeyay

0
229

Boqolaal ka mid ah shacabka deegaanka Nyando ee ismaamulka Kisumu ayaa hooy la’aan noqday halka kuwo kalena uu soo gaaray khasaare hantiyadeed.
Tani ayaa timid ka dib markii abaare 4-tii aroornimo ee maanta uu karkaarrada jabsaday webiga Nyando.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in biyaha ay gudaha u galeen guriyo badan iyo dukaamo ku yaalla suuqa Ahero.
Daadadka oo ka dhashay roobab culus oo Kisumu ka da’ay ayaa waxay biyaha la tageen dalaggi lagu beeray dhul ka kooban dhowr eekar.
Dadweynaha Nyando ayaa dowladda ismaamulka iyo midda sare ugu baaqay inay gaarsiiyaan gurmad.
Waxay sheegeen in maamulka barasaabka Kisumu Anyang’ Nyongó looga baahan yahay inuu booqdo meelaha ay saameynta ka soo gaartay fatahaadaha.