Booliiska oo mamnuucay in dibadbaxyo lagu qabto Nairobi

0
399

Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gudaha caasimadda dalka aan lagu qaban karin dibadbaxyada isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dibadbaxyadii horay u dhacay ay ahaayeen kuwo rabshadeysan sidaasi awgeedna aan la aqbali karin inay sii socdaan.
Taliyaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in cid waliba oo dibadbax qabanaysa laga doonaya inay u hoggaansanto xeerarka dastuuriga ah sida in aan la waxyeelleyn shacabka iyo hantidooda .
Adamson Bungei ayaa sharci darro ku tilmaamay isku soo baxyada Azimio wuxuuna sheegay in ciidamada amniga ay kala eryi doonaan dadka ka qayb galaya.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa qorsheynaya inuu 2-da bisha Shanaad ee May oo ku beegan Talaadada uu dib u billaabo mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda ee ay hakiyeen.
Shalay ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto uu digniin adag u diray mucaaradka isagoo sheegay in aanan marnaba laga aqbali doonin sameynta isku soo baxyo carqaladeyn karo dhaqaalaha wadanka.
Madaxa xisbiga Narc Kenya kana mid ah hoggaamiyaasha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Martha Karua ayaa qoraal ay dhawaan soo dhigtay barta Twitter-ka ku sheegtay in aynan ciidamada booliiska ama cid kale uga baahnayn fasax la xiriira dibadbax.
Mucaaradka ayaa barahiisa ku sheegay in mudaaharaadka Talaadada uu u qabsoomi doono sidii loo qorsheeyay.
Martha Karua iyo Kalonzo Musyoka oo ku sugan xaafadda Imara Daima ee magaalada Nairobi ayaa la filayaa inay ka hadlaan qorshahooda 2-da May.