Dagaallada u dhexeya ciidamada militariga ee dalka Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ayaa galay isbuucii saddexaad in kastoo xabbad joojin horay loogu dhawaaqay.
Waddamada shisheeye ayaa weli ku howlan daadgureynta ay muwaadiniintooda iyo dibloomaasiyiintooda uga saarayaan caasimadda Suudaan ee Khartoum.
Markab siday ilaa 1,900 qof oo laga soo daadgureeyay Suudaan ayaa gaaray magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in markabkan uu siday 65 ka mid ah muwaadiniinteeda.