Dowladda oo kordhisay miisaaniyadda waaxda garsoorka

0
367

Dowladda dhexe ayaa kordhisay miisaaniyadda sanadlaha ah ee ay siiso waaxda garsoorka ee wadanka.
Dhaqaalaha waaxda cadaaladda oo horay ahaa 18.8 bilyan ayaa sanad maaliyadeedkan noqon doono 22.9 bilyan oo shilin.
Qoraal ka soo baxay golaha wasiirrada ayaa lagu sheegay in tani looga gol –leeyahay in laga dhabeeyo ballanqaadkii maamulka Kenya Kwanza ee ahaa xoojinta madax bannaanida garsoorka dalka.
Dabayaaqadii sanadkii hore ayay ahayd markii madaxweyne William Ruto uu sheegay inay ka go’an tahay awoodsiinta laanta cadaaladda iyo hannaanka lagula dagaallamo falal dambiyeedyada.