DHAGEYSO: Madaxweynaha dalka oo maanta tagay Kajiado

0
273

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta tagay ismaamulka Kajiado.
Waxaa uu dadweynaha kula hadlay degmada Ongata Rongai ee dowlad deegaankaasi.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay inuu halkaasi u tagay daahfurka mashaariic laami lagu saaraya waddooyinka degaannada oo dheerar ahaan dhan 65 kiilomitir.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in guud ahaan wadanka laga fulin doono mashaariic la xiriira waddooyinka si loo fududeeyo howlaha gaadiidka iyo ganacsiga.

Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale ka hadlay caqabad dhanka bullaacadaha ah oo ka jirto Rongai isagoo ballan qaaday in la xallin doono dhibaatadaasi.

Sidoo kale madaxweyne William Ruto ayaa sheegay  in dowladda dhexe ay wado qorshayaal hoos loogu dhigaya qiimaha  maciishadda  sida cuntooyinka,  taageeridda wax soo saarka beeraha , la tacaalidda deymaha lagu leeyahay qaranka  iyo in meesha laga saaray canshuurta  lagu soo rogi jiray haamaha  gaaska  cuntada lagu karsado.

Madaxweynaha  dalka ayaa  siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La  Umoja-One Kenya ugu baaqay inay ka laabtaan  qorshahooda ku aaddan in 2-da bisha Shanaad ee May ay dib u billaabayaan  mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda ee ay hakiyeen.