Ukraine oo lagu wareejiyay boqolkiiba 98 ee hubkii loo ballan qaaday

0
269

Xoghayaha Guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay inay dowladda dalka Ukraine ku wareejiyeen in ka badan boqolkiiba 98 ee agabkii loo ballan qaaday.
Xubnaha NATO iyo saaxiibada kale ayaa Ukraine gaarsiiyay 1,550 oo ah baabuurta aynan xabbadu karin iyo 230 ah taangiyada dagaalka.
Madaxa NATO ayaa hoosta ka xarriiqay inay rajeynayaan in xukuumadda Kyiv ay qalabkan militari u adeegsato inay dib ula wareegto deegaannada uu Ruushka ka qabsaday tan iyo markii uu 24-kii bishii labaad ee sanadkii hore uu dalkaasi ka billaabay duullaan militari oo weli socdo.