Ruto oo sheegay inay u dabaal degayaan guulaha dhanka amniga ee dowladda Soomaaliya

0
257

Madaxweynaha dalka William Ruto oo shir madaxeed uga qayb galay wadanka Uganda ayaa sheegay inay u dabaal degayaan guulaha ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gaartay arrimaha amniga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay soo dhaweynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray taageeridda sidii xasilooni buuxda loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in hadda ay qasab tahay in diiradda la saaro sida degdegga ah ee loogu baahan yahay joogteynta xaaladda soo hagaagaysa ee amniga iyo taageerada maaliyadeed ee lagu xaqiijinaya in sida habboon ay u shaqeeyaan ciidamada ATMIS.
Madaxweynaha ayaa hoggaamiyaasha waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ku boorriyey inay xoojiyaan iskaashiga ka dhexeya iyadoo loo maraya in xilliga ku habboon iyo siyaabaha munaasabka ah loo wadaago xogaha muhiimka ah iyo macluumaadka sirdoonka.
Waxaa uu tilmaamay in tani ay cirib tiri karto khatarta argagixisada ee xuduudaha gobolka.
Shir madaxeedka ka qabsoomay Uganda waxaa ka qayb galay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni, dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , madaxweynaha Kenya William Ruto, dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle , madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen .